LEXINGTON PUBLIC SCHOOLS - Ad from 2026-10-31
Details for LEXINGTON PUBLIC SCHOOLS - Ad from 2026-10-31
Dugsiyada Dadweynaha Lexington 300 S. Washington Lexington, Nebraska 68850 (308) 325-1226 Waa Maxay Helida Ilmaha? Helida Ilmaha waa loobahanyahay waana hab joogto u ah hawlaha ogaalka dadweynaha, baaritaanka iyo qiimeynta loogu talagalay in la meeleeyo, la soo saaro, loona gudbiyo sida ugu dhakhsaha badan dhamman ilmaha naafada ah oo u dhexeeya umusha illaa labaatan iyo kow sano jir. Caruurta iyo dhallinta looga shakiyo inay u baahanyihiin barnaamijka caawinta ilmaha naafada ah oona ku jira heerka gur-guurashada iyo wixii ka yar, adeegyada waxbarashada khaaaska ah ee barbaarinta/xanaanada, ama adeegyada waxbarshada khaaska ah ee ilmaha da’da dugsiga gaaray waa in loo gudbiyaa Dugsiyada Dadweynaha Lexington. Si loo helo barnaamijyada caawinaada ee horey loosoo sheegay, ilmaha ay da’doodu u dhaxeyso umusha illaa 21 sano waa in ay u qalmaan tilmaamaha laga so xiganayo xeerarka Nebraska. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Helida Ilmaha ama gudbiska ilmaha u qalma barnaamijyadan mid kamid ah, Fadlan la xariir Marwo Angie Kovarik ama Marwo Robin Einspahr oo laga helo dugsiyada waxbarashada Lexington.
